R/Rooble oo Muqdisho kula kulmay Odyaasha Dhaqanka ee gobolka Gedo

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Gobalka Gedo.

Odyaasha Dhaqanka gobolka Gedo ayaa waxaa Hogaaminayyay Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi.

, Kulanka uu Ra’iisal wasaare rooble la qaatay Odyaasha Gobolka Gedo ayaa looga hadlay doorashada Garbahaarrey siday u dhici lahayd, islamarkaana looga gudbi lahaa caqabdaha hortaagan doorashada.

R/wasaare Maxamed Xuseen  Rooble ayaa balanqaaday inuu hirgalinayo heshiiskii 17 September uuna dhameynayo caqabadaha doorashada ku horgudban laguna qabanaayo Garbahaarrey oo aysan ka hareyn degaanada labaad ee doorashada lagu qabtay.

Sidoo kale Odayaasha ayaa ku qancay balanqaadka R/waasare Rooble, waxaa ayna uga mahadceliyeen sida uu soo dhaweeyay, islamarkaana cabashadooda uu u dhagaystay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*