Musharrax u tartamaya Kursiga uu ku fadhiyo Xildhibaan Goodax Barre

Siyaasiga Xuseen Muxumed Maxamed (Gaagaale) oo 15-kii sano lasoo dhaafay siyaasada soomaaliya kusoo jiray ayaa mar kale doonaya inuu kasoo muuqdo baarlamaanka 11aad Golaha Shacabka.

Mudane Xuseen Gaagaale oo hore looga bartay caawinta bulshada danta yar,kaalmeyntoodana dhowr jeer meel ka baxsan gobolka hiiraan,dadka ku sama faleyntooda wakhti ku bixin jiray.

Gaagaale ayaa gole fadhiga iyo dib uheshiisiinta beesha ka qeyb qaatay dhowr jeer isagoo danaha deegaanka iyo sidii hormarintooda aheyd wax badan ku bixin jiray.

Mar ayuu soo noqday xildhibaan baarlamaanka dawladii kumeel gaarka aheyd,isagoo deegaankiisa wax qabad muuqdo uqabtay.

Siyaasi Xuseen gaagaale ayaa mar kale doonaya iskuna soo sharaxay kursiga sumadiisu tahay Hop#063 isagoo beesha ugu baaqay in isbadel ku keenaan hogaaminta kursiga.

Kursiga 063 uu hadda ku fadhiyo Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre ayaa waxa laga sugayaa beesha cida ay siin laheyd iyadoo waxqabad muuqda uu la yimid Xuseen Gaagaale intuu ahaa xildhibaanka baarlamaankii KMG Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*