Ruushka oo bilaabay duullaan toos ah oo ka dhan ah Ukrain

Ruushka ayaa billaabay dagaalToos ah  oo uu ku qabsanayo dalka Ukraine, waxaana durba billowday hadallada ay tallaabadaas uga fal celinayaan madaxda waddamada reer Galbeedka.

Wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka ayaa beenisay in militarigooda ay weerarro la beegsanayaan magaalooyinka Ukraine – iyadoo sheegtay in taas baddalkeeda ay bartilmaameedsanayaan xarumaha militeriga, saldhigyada difaaca hawada iyo kuwa ciidamada cirka.

Warka kasoo baxay wasaaradda oo ay shaacisay Wakaaladda Wararka Ruushka ee RIA ayaa lagu sheegay in ciidanka Ruushka ay weerarkan u adeegsanayaan “hub aad casri u ah oo Meesha loogu talogalay si toos ah u abbaaraya”.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa xaqiijiyay wararka ku saabsan in gantaallo lala dhacay waddankiisa, sida ay tebisay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Waxa uu intaas ku daray in Ruushku ay madaafiic ku garaaceen kaabayaasha Ukraine iyo xarumaha ciidamada ilaalada xuduudda.

Khudbad muuqaal ah oo uu u jeediyay shacabka Ruushka, ayuu Putin ku sheegay in howlgalka looga gol leeyahay “in laga dhigo meel militariga ka caaggan iyo cirribtirka Naasiyiinta”.

 Weerarro gantaallo loo adeegsaday iyo qaraxyo ayaa laga soo sheegayaa dhowr qeybood oo ka tirsan Ukraine, oo ay ku jiraan Kyiv iyo Kharkiv.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ukraine ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu weerar cirka iyo dhulka ah ku qaaday dalkiisa wuxuuna Qaramada Midoobay ugu baaqay inay “sameysow ax walba oo suurto gal ah” oo lagu joojinayo.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa cambaareeyay weerarka wuxuuna wacad ku maray in lala xisaabtami doono Ruushka.

Hoggaamiyeyaasha UK, Midowga Yurub, QM iyo NATO ayaa sidoo kale si xooggan u cambaareeyay weerarka Ruushka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*