Doorashada 6 kursi oo la filayay in lagu qabto M / Baladweyne oo dib u dhacday Maanta

Guddiga Doorashada Kuraasta Golaha shacabka Hirshabeelle ee ( SEIT) ayaa ku wargaliyay dhamaan umadda somaaliyeed iyo Murashixiinta in uu dib u dhac ku yimid qabsoomida doorashadii loo madlanaa in maanta oo sabti ah ka dhacdo magaalada Baladweyne..

Doorashada 6  kursi oo sabab farsamo awgeed u baaqatay ayaa lagu wadaa in la qabto Maalinta axada 27/02/2022, sida guddiga doorashada Hirshabeelle ay sheegeen.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa si weyn ugu ammaanay guddiga doorashada hirshabeelle dadajinta doorashada iyo sida hufnaanta leh ee ay ku socoto.

Kuraasta doorashadooda la qaban doono Maalinta axada ayaa kala ah ;

1.HOP#006

2.HOP#022

3.HOP#003

4.HOP#032

5.HOP#252

6.HOP#068

Doorashada Kuraasta Golaha shacabka ee maalinta Berri ah ka dhici doonto Magaalada Baladweyne ayaa tii labaad ee lagu qabto magaaladaasi waxaana ka horeeyay tii lagu doortay Fahad Yaasiin iyo Xildhibaano kale oo ka tirtsan Golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*