Gudiga doorashada Hirshabeele oo soo bandhigay 11 Kursi oo Beri la dooranayo

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban heer Dowlad-Goboleed ee hirShabeelle ayaa soo gudbiyay 11 kursi oo ah qaybta labaad ee Deegaan Doorashadoodu tahay Magaalada Baladweyne Xarunta Gobolka Hiiraan.

Hir-Shabeelle ayaa maanta dib u dhigay Doorashada 6 kursi oo ah qaybtii 1aad ee kuraasta deegaan Doorashadoodu taala Magaalada Baladweyne si uu u dardargeliyo dhammeystirka Xildhibaannada ku harsan Dowlad-Goboleedkaas.

kuraasta ay shaaciyeen mamaulka doorooshooyinka hirshabelle waxaa hadda ku fadhiya xilibaanada kala ah

HOP#004:  Maxamed Xasan Ibraahim Qoone. HOP#010: Cabdirisaaq Maxamed Axmed Jindi.

HOP#011: Cabdirisaaq Cumar Maxamed. HOP#019: Farxiya Muumin Cali.

HOP#030: Daahir Amiin Jeesow. HOP#039: Drs Maryan Axmed Haaruun. HOP#058: Nuur Iidow Beyle.

HOP#059: Samiira Xasan Cabdulle. HOP#063: Cabdullaahi Goodax Barre. HOP#066: Cumar Cismaan Waasuge. HOP#135: Aamina Maxamed Cabdi.

dhinaca kale Guddiga Doorashada Hirshabeelle ayaa maanta shahaadada musharaxnimo guddoonsiiyay musharixiin dhowr ah oo u taagan doorashada 6-Kursi oo ay Guddiga horey u shaaciyeen.

Musharixiinta la guddoonsiiyay Shahaadada musharaxnimo waxaa ka mid ah Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu, kuwaa oo ku tartamaya Kuraas Lix ah oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Beledweyne ee xarunta G/Hiiraan.

Kuraasta lixda ah ayaa waxaa lagu wadaa in beri la qabto doorashadooda, sida uu qorshuhu yahay, maadama Guddiga ay horey usheegeen in doorashada kuraastaa uu dib udhac ku yimid sababo farsamo owgeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*