Gudiga Gurmadka Abaaraha oo Gurmad gaarsiyay dadka ay Abaartu saameysay

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee uu magacaabay Ra’iisal Wasaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa gargaar kala duwan gaarsiiyay dadka ay abaartu saameysay ee ku dhaqan degaano kala duwan oo dalka ka tirsan.

Gargaarkaan oo ka yimid dowladda Imaaraadka Carabta ayaa la gaarsiiyay magaalooyin ay ka mid yihiin; Gaalkacyo, Dhuusamareeb, Garbahaarreey, Waajid, Baardheere, Diinsoor, Baladweyne, Xudur iyo Dhoobley.

Qoysas badan saameysay abaarta ku dhufatay dalka, ayaa ka faa’iideystay gargaarkan deg degga ah, oo qeyb ka ah dadaalka dowladda oo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed iyo dalalka caalamku ugu jirto sidii loo caawin lahaa bulshada. Imaaraadka carabta ayaa dhawaan Diyaarado Shixnado gargaar ah sida ka soo dejiyay garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada shixnadaas oo loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka Abaartu ay saameysay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*