Qaraxyo Xooggan oo laga maqlay Magaalada Kyiv ee caasimada dalka Ukrain

Qaraxyo dhowr ah ayaa hadda laga maqlay magaalada Kyiv, halkaasoo ay hadda ka socdaan duqeymo xooggan.

Dowladda Ukraine ayaa sheegtay in 18,000 oo qoryaha daran dooriga u dhaca loo qaybiyay mutadawiciin doonaya in ay duullaanka Ruushka

Muuqaalo laga soo duubay duqeymaha maanta ayaa muujinayay gaadiidka gaashaaman oo ku sii siqaya degmooyinka waqooyi ee magaalada.

Dalalka Midowga Yurub ayaa cunaqabatayn ku soo rogay Vladimir Putin iyo wasiirka arrimaha dibadda Sergei Lavrov.

Dhanka kale gaashaanbuurta Nato ayaa sheegtay in kumanaan askari oo dheeraad ah ay geyneyso bariga Yurub.

Dad badan ayaa ka qaxaya dalka Ukraine

Waxaa baraha bulshada lagu baahiyay muuqaal muujinaya dagaal xooggan oo ka socda magaalada Melitopol.

Wararka ayaa sheegaya in muuqaalkan uu muujinayo qeybta daawaynta kansarka ee isbitaal halkaasi ku yaalla oo lagu dhuftay walxaha qarxa.

In kasta oo barta twitter-ka ee muuqaalka la soo dhigay ay eedaynayso “ciidamada Ruushka”, haddana lama xaqiijin cidda soo ridday hubka gabay goobtaasi.

Rag u dhashay dalka Ukrain ayaa lagu soo waramayaa in laga soocay qoysaskooda xilli ay isku dayayeen in ay dalka ka baxsadaan.

Ragga da’doodu u dhaxayso 18-60, islamarkana dagaalami kara , ayaa hadda laga mamnuucay inay ka gudbaan xadka.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay kordhinayso howlgallada lagu caawinayo dadka rayidka ah ee uu saameeyay duulaanka Ruushka.

Qiyaastii in ka badan 100,000 oo qof ayaa guryahooda ka qaxay tan iyo intii uu dagaalka bilaabmay.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ku gacan seyrtay wadahadalka uu madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ugu baaqay dalka Ukraine, waxaana ay ku tilmaantay “mid aan aheyn diblomaasiyad dhab ah”.

Isagoo wariyeyaasha kula hadlayay Washington Jimcihii, af hayeenka waaxda arrimaha dibedda Ned Price wuxuu sheegay in dublamaasiyadu aysan ku shaqeeneyn” qoriga afkiisa”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*