Qaar ka mid ah Kuraasta Golaha shacabka oo maanta doorashooda ay ka dhacday magaalada baladweyne

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa weli waxaa ka socota doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka, waxaana goordhow la doortay kursiga labaad ee Golaha Shacabka

Maxamed Ibraahim Moalimuu ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#068 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Beledweyne.

Kursiga Hop#068 ayaa waxaa horay ugu fadhiday Faadumo Faarax Ibraahim, balse sanadkaan laga wareejiyay, isla markaana uu ku guuleystay Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Moalimuu.

Guushiisa kadib ayuu umahad celiyay dhamaan dadkii garab istaagay.

Khaliif Cabdi Cumar ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#032 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Beledweyne.

Cismaan Maxamed Cabdi Daalo ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#022 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Beledweyne.

Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-beene ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#003 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Beledweyne.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*