Dhageyso :Dibad bax Maanta ka dhacay Degmada balad Xaawo ee gobolka Gedo

Shacabka ku nool degmada  Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa maanta dhigay Banaanbax balaaran kaas oo ka dhacay Xuduuda Baladxaawo ay la wadaagto Degmada Mandheera ee dalka Kenya.

Banan baxayaasha ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan faragelin iyo in la musuq maasuqa doorashada 16 kursi ee taalla Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Banaanbaxayaasha oo socdaal dheer ku maray Xaafadaha qaar ee degmada ayaa ku dhawaaqayay Erayo ay ku diidan yihiin in Doorashada Garbahaareey laga wareejiyo iyagoona eedeyn usoo jeediyay Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Qaar kamid ah banaanbaxayaasha oo hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in Axmed Madoobe iyo dad uu taageero ka helayo ay kenya ugu horreeyso ay doonayaan in doorashada laga wareejiyo degmada Garbahaareey.

Waxaa ay sheegeen in Garbahaareey ay tahay mid Nabad ah oo doorasho ay ka dhici karto, isla markaana aysan aqbaleyn in la musuq maasuqa doorashada.

Doorashada kuraasta taalla degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa xayiran khilaafka u dhaxeeya Villa Somalia & Madaxweynaha Jubbaland, iyada oo dhawaan guddi qiimeeya xaalada Garbahaareey uu Ra’iisul Wasaaraha u diri doono halkaasi.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Degmada Balad xaawo cabdirashiid cabdi caroog ayaa ka hadlay dibad bixii maanta ka dhacay magaalada balad Xaawo ee gobolka Gedo

Halkaan ka Dhageyso Warysisiga Gudoomiyaha degmada Balad xaawo ee gobolka Gedo Cabdirashiid Cabdi Caroog:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*