Kulamo Lagu dhex dhexaadinayo madaxweynaha Puntland iyo Agaasimihii Xilka laga qaaday ee PSFta oo ka socda magaalada Boosaaso

Wararka  ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ay socdaan dadaalo laysugu keenayo Hogaanka PSF iyo madaxda maamulka Puntland.

https://e1f3244eab9b2cb2780188b82a500ba3.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Agaasimaha PFS xilka uu kaga qaadayMadaxweyne Deni  ayaa lagu wadaa in ay maanta yeeshaan kulankoodii u horreeyey tan iyo dagaalkii ka dhashay xilka qaadista Agaasimahaas.

Kulankan ayaa sida la qorsheeyey ka dhacaya madaxtooyada Boosaaso, waana mid ay albaabadu u xidhan yihiin.

Ciidamo katirsan PSF iyo kuwa Ilaalada Madaxtooyada Puntland ayaana amniga sugaya,iyadoo kalsooni la abuuray awgeed kulanka uu udhacayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*