
Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha dowladaha Hoose iyo dib u heshiisiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mohamed Abuukar Cabdi ayaa xilkii ka qaaday Maamulkii Magalaada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, isaga oo Maamul Cusub Magacaabay.
Guddoomiyaha iyo duqa Magaalada Baydhabo ayaa loo Magacaabay Cabdullaahi Cali Watiin oo horay xilkaasi mar u soo qabtay, halka Guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda loo Magacaabay Mucaawiye Ibraahim Cali. Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada ayaa sidokale loo Magacaabay Cabdullaahi Ibraahim Nuur
Leave a Reply