Ra’iisal wasaare rooble oo kulan la yeeshay Taliyayaasha Ciidamada

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir la yeeshay taliyeyaasha hay’adaha ammaanka dalka iyo ciidammada AMISOM, kaas oo diiradda lagu saaray adkeynta amniga guud ee dalka, gaar ahaanna caasimadda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray hay’adaha amnigu inay xoogga saaraan dardar gelin howlgallada ka dhanka ah argagixisida ee guud ahaan gobollada dalka iyo in si gaar ah loo adkeeyo amniga caasimadda oo lagu qabanayo doorashooyinka guddoonnada Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*