
Guddiga doorashooyinka Kuraasta Golaha shacabka ee HirSabeelle ayaa shaaciyay jadwalka doorashada 11 kursi ee ugu Dambeeysa kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Beledweyne.
Qoraal kasoo baxay Guddiga waxaa lagu sheegay in 5-ta ilaa lixda Bishaan ay soo gudbin doonaan Ergada, lana hubin doono kadibna la diiwaangelin doono Ergada si loo tababaro.
Sidoo kale Guddiga waxaa u sheegeen in 7-Bishaan la diiwaangelin doono musharrixiinta ku tartami doonta 11 Kursi halka 8-da ilaa 9-ka Bisha ay qaban doonaan doorashada kuraasta 11-kursi

Leave a Reply