Mas’uuliyiin ka tirsan Gudigii uu magacaabay Ra’iisal wasaare Rooble oo gaaray magaalada Kismaayo

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland SEIT iyo wasiiro ka tirsan Jubaland ayaa garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyey Wafdi uu hogaaminayay Gudoomiyaha Guddiga qiimeynta xaaladda deegaan doorashada Labaad ee Jubbaland Garbahaareey Cumar Maxamed Cabdulle dhagey iyo xubno katirsan guddiga uu dhawaan magacaabay Ra’isul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Abukaate ‘Cumar Maxamed Cabdulle iyo wafdigiisa waxaa qayb ka ahaa xubno kasocday Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka ah ee Soomaaliya.

Guddigan oo ay ka dhimanyihiin xubno kale oo kamid ah guddiga uu magacaabay Ra’isul wasaaraha ayaa lagu wadaa in xubnaha ka dhiman ay yimaadan Kismaayo maalinka barrito ah, iyagoo kadib amba qaadi doona howlaha horyaala ee loo igmaday, waxa ayna qiimeeyn kusoo sameeyn doonaan deegaan doorashada labaad ee Jubaland Garbahaarey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*