Dawlada Soomaaliya oo ka mid noqotay Dalalka Cambaareeyay duulaanka Ruushka ee Ukrain


Kulanka guud Qaramada Midoobay ayaa loogu codeeyay qaraar lagu cambaareynayay duulaanka
Ruushka, waxayna ka dalbadeen Ruushka in ay ciidamadooda si dhaqsi ah ugala
baxaan Ukraine.

Qaraarka
ayaa waxaa taageeray 141 wadan oo ka mid ah 193 wadan ee xubnaha ah, inta lagu
guda jiray kulanka guud ee Qaramada Midoobay oo ahaa mid degdeg ah oo ay goluhu
isugu yeereen.

Intii ay
socotay codeyntu ayaa safiirka Ukraine ee Qaramada Midoobay Sergiy Kyslytsya
wuxuu sheegay in Ruushku u yimid in uu burburiyo Ukraine.

Waa kulankii
ugu horeeyay oo degdeg ah oo goluhu isugu yeeray xubnaha tan 1997 kii.

Dalalka
Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa u codeeyay qaraarka Qaramada Midoobey
ee lagu cambaareeyay duulaanka Ruushka, xilli cadaadis la saaray Soomaaliya
warar soo baxaya ay sheegayaan in go’aankaasi qaateen.

Dhawaan ayay
ahayd markii danjiraha midowga yurub uqaabilsan soomaaliya haweeneyda lagu
magacaabo Tina Intelmann ayaa ka codsatay R/wasaare Rooble in Soomaaliya
cambaareyso Duulaanka Ruushka,taas oo ugu dambeyn maanta Soomaaliya ay aqbashay
dalabkaasi.

Waddamada
kala ah Kuuriyada Wuqooyi,Ereteriya,Belaruus & Siiriya ayaa diiday in la
cambaareeyo duulaankaasi waxayna taas ka dhigan tahay in Ruushka ay la dhacsan
yihiin qorshaha uu Ukraine ku weeraray.

Sidoo kale
dalalka Tanzania,South Africa,Burundi,Uganda,Iran & Ciraaq ayaa ka
aamusay,waxaana dadka arimaha dibada falan qeeya ay sheegayaan in Soomaaliya ku
deg degtay arinatan.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*