Wasiirka wasaarada Dhalinyarada Koofur Galbeed oo loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Cabdiraxiin Nuur, isaga oo Guddoomiye kale Magacaabay.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose loogu Magacaabay Ibraahim Aadan Cali Najax oo ahaa Wasiirka Dhalinyarada & Cayaaraha Maamulka Koonfur Galbeed.

Waa markii 3aad oo Gudoomiyaha Shabeelaha Hoose loo magacaabay Ibraahim Cali Aadan Najax loo magacaabay Gudoomiyaha gobolka shabeelaha Hoose Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Cabdiraxiin Nuur ayaa safar ugu maqan dalka Ingiriiska, iyada oo aan sirasmi ah loo faah faahin sababaha xilka looga qaaday

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*