16 Kursi oo maanta lagu doortay magaalada Boosaaso

Doorashada Xildhibaanada Golaha shacabka ee Deegaan Doorashada Puntland ayaa ka dhacday magaalada Boosaaso, waxaana sida qorshaha yahay maanta iyo Beri lasoo dhamystirayaa Doorashada 16ka kursi ee yaala Magaaladaasi.

Kursigii ugu horeeyay oo tirsigiisu ahaa #HOP157 Waxaa kusoo baxay Maxamuud Axmed Aadan Geesood kadib markii ay tanaazushay Musharixii la tartami lahayd.

Cabdicasiis Maxamed Maxamuud Qambi ayaa isna sidoo kale Ku guulaystay #HOP227, kadib markii ergada ay ugu codeeyeen qaab gacan taag ah.

Kursiga 3aad oo ahaa #HOP 273 waxaa kusoo baxay Bashiir Cabdi Maxamed Maxamuud, ka dib markii ay u tanaasushay Sahro Maxamed Maxamud Cali oo la tartami lahayd.

Kursiga 4aad oo ahaa #HOP076 Waxaa Cod gacan taag ah ku guulaystay Muuse Axmed Ismaciil ka dib markii ay u tanaasushay Faaduma Ibraahim Ismaaciil.

Kursiga shanaad oo ahaa #HOP234 waxaa kusoo baxday Marwo Cabdirishiid Xaaji kadib markii Iyana loo tanaazulay.

Kursiga 6aad oo ahaa #HOP169 waxaa ku tartamay Cali Mahdi Maxamed Cali iyo Xafsa Cali Axmed, Waxaanaku guulaystay Cali Mahdi Maxamed oo helay 97 Cod oo ahayd Ergada fadhiday.

Kursiga 7aad oo ahaa #HOP083 waxaa ku tartamay Maxamed Bashiir Cali iyo Aamino Maxamed Ciise , waxaana ku guulaystay Maxamed Bashiir Cali ka dib markii loo tanaazulay

Kursiga 8aad oo ahaa #HOP220 waxaa ku tartamay Cali Xaaji daahir Saleebaan iyo Axmed Burhaan Cumar,W axaana kusoo baxay Cali Xaaji daahir ka dib markii loo tanaazulay

Kursiga 9aad oo ahaa #HOP149 waxaa ku tartamay Faysal Axmed Maxamud iyo Faa’isa C/xakiin Maxamed,  Waxaana kusoo baxay Faysal Axmed Maxamuud Kadib Tanaazul.

Kursiga 10aad #HOP158 waxaa ku tartamay Saddaam Maxamuud Cabdi iyo Muno Maxamuud Dalmar,

Ergada fadhiday oo ahayd 100 Ergo ayaa Codka kalsoonida siiyay musharax Saddaam Maxamuud Cabdi ka dib markii ay ka hartay Tartanka Muno Maxamuud Dalmar.

Kursiga 11aad #GSH027 waxaa ku tartamay Siciid Cali Muuse iyo Cabdiqaadir Jaamac Cabdi,

Ergada ayaa dhamayd 98 qof waxaana dhamaantood ay u Codeeyeen Musharax Siciid Cali Muse ka dib markii uu Tartanka isaga haray Cabdiqaadir Jaamac Cabdi oo la tartamay.

Kursiga 12aad #GSH036 waxaa ku tartamay Musharaxiinta kala ah Maxamed Aadan diini iyo Faaiso Jaamac Muuse Ismaaciil,

Kursigaan waxaa ku guulaystay Maxamed Aadan Diini oo helay Codadka 99 Ergadii fadhiday.

Kursiga 13aad #HOP222 waxaa ku tartamay Caynaanshe Yusuf Xuseen iyo Roodo Yaasiin Yusuf,

100 Ergo oo ahayd Ergada fadhiday doorashada Kursigaan ayaa 99 qof ay u Codeeyeen Caynaanshe Yusuf Xuseen ka dib markii ay Tartanka ay isaga hartay Roodo Yaasiin Yusuf.

Kursiga 14aad #HOP228 waxaa ku tartamay Cabdilaahi Faarax Mire iyo Xamdi Cabdilaahi Maxamed,

95 Ergay oo ahayd Ergada fadhiday ayaa 94 Ergay ay u Codeeyeen Musharax Cabdilaahi Faarax Mire ,halka 1 Ergay uu ka Aamusay  ka dib markii ay Tartanka ka hartay musharax Xamdi Cabdilaahi Maxamed

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*