
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Fislih) ayaa sheegay in ay bilaabayaan Olole ballaaran oo lagula dagaalamayo Maandooriyaha
Waxana uu tilmaamay in dhamaan degmooyinka Gobolka Banaadir laga isticmaalo maandooriyaha noocyadiisa kala duwan oo qaar dibadda laga keeno iyo qaar lagu dhex sameeyo Magaalada Muqdisho, taasi ay dhibaato ku tahaybulshada Gobolka banaadir ku nool .
Gudoomiye Cumar Filish ayaa shaaca ka qaaday in la diyaarinayo Ciidamo gaar ah oo la dagaalama Maandooriyaha, kuwaas oo taliye looga dhigay taliyaha hoggaanka Anshaxa Booliska, isla markaana ay ka howlgeli doonaan Xaafadaha magaalada Muqdisho.
Maalmihii la soo dhaafay Maamulka Gobolka banaadir ayaa waday Olole Dadka looga Wacyi gelinayo Isticmaala maandooyiriyaha iyo dhibaatooyinka uu leeyahay.
Leave a Reply