Shariif Xasan Sheekh Aadan oo laga hor istaagay safar uu doobayay in uu ku tago Magaalada Baydhabo

Madaxweynihii hore Koofur kana Midowga Musharixiinta Mucaaradka & ilaaladiisa ayaa laga hor istaagay safar ay ku tegi lahaayeen magaalada Baydhabo oo ah deegaan doorashadiisa.

Siyaasigan ayaa doonayey inuu u tartamo kursiga beeshiisa ee Golaha Shacabka Soomaaliya, kaas oo uu horey ugu fadhiyey wiilkiisa.

Sababta loo celiyey ayaa waxaa lagu sheegay in la doonayo in laga reebo tartanka doorashada, iyada oo kursiga loo xiray musharrax kale.

Is hortaagga lagu sameeyey Shariif Xasan ayaa kusoo aaday, saacado uun kadib, kadib markii wasaaradda amniga Soomaaliya ay u fasaxday inuu u ambabaxo Baydhbao, waxaana loo ogolaaday hub fudud, gaar ahaan 7 qoray oo AK47 ah 7 bistoolad, balse waxaa talaabadan ka horyimid maamulka Lafta Gareen oo soo saaray amarka lagu celiyey.

Shariif Xasan Shiikh Aden ayaa safarkiisa Baydhabo ku saabsanaa in uu u tartamo kursiga uu horey ugu fadhiyay wiilkiisa ee #Hop261

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*