
Xildhibaan Qaali Cali Shire ayaa lagu doortay magaalada Gaalkacyo, waxayna ka guuleysatay Xalay Xildhibaan hore Ubax Tahliil Warsame, kadib doorasho adag oo wareeg labaad la isla aaday oo xalay ka dhacday MagaaladaGaalkacyo.
Kursiga ay Qaali ku guuleysatay ee HOP#060, oo golaha shacabka ku metela koonfurta Gaalkacyo, waxaa 8-dii sano ee lasoo dhaafay ku fadhisay Ubax Tahliil.
Markii ay soo dhamaatay codeynta wareega labaad ee doorashada, waxaa kursigaas guuleysatay Qaali Cali Shire oo heshay 61-cod, halka Ubax Tahliil ay heshay 40-cod
Afar musharax oo dhamaantood haween ah ayaa ku loolamay kursigaas, maadaama horay loogu asteeyey qoondo haween.
Sidaas guusha xalay gaartay Qaali Cali shire ilqeyte Waana kii ugu adkaa kursigaan xalay la doortay ee HOP060, kaas oo si furan ay ugu tartameen afar musharax oo haween ah.
Leave a Reply