
Madaxweynihihii hore ee Soomaaliya , Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna Musharax madaxweyne shalay u duulay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo la sheegay in kula shiri doono wakiilo ka socda dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dalabkooda koowaad ka dhigatay inay taageerto murashax madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, halka dalabkooda labaad uu ugu jiro madaxweynaha Puntland Saciid cabdulaahi Deni oo xiriir la leh Imaaraadka.
Sheekh Shariif, madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa la sheegay inuu xiriir wanaagsan la leeyahay Imaaraadka carabta , waxaana shirkooda uu la xiriiraa arrimo ku saabsan doorashada Soomaaliya oo bilaha soo socda la filayo in lagu doorto Guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweynaha.
Dowladda Kenya iyo madaxweynaheeda Uhuru Kenyata ayaa sidoo kale dowladda Imaaraadka Carabta ku cadaadinaya inay taageero buuxa siiyaan Shariif Sheekh Axmed oo ay u arkaan qofka kaliya ee jabin kara damaca Farmaajo ee ah inuu mar kale soo laabto.
Leave a Reply