
Wararka imaanaya Puntland ayaa sheegaya in shil dhacay ay ku dhinteen 6 Asakari ay ku dhinteen Todoba kalena waa ku dhaawacmeen kadib markii uu shil galay gaari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Puntland.
Shilka ayaa sida wararku sheegayaan ka dhacay dalcadda Karin-dhiig oo u dhexaysa degmad Dangoroyo iyo tuulada Libaaxo oo ka tirsan Gobolka Nugaal.
Dhaawacyada askarta ayaa loo qaaday isbitaallada ku yaalla Caasimadda Garoowe.
Ciidanka ayaa hordhac u ahaa Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo hadda ku sugan Boosaaso laguna wado in uu ku soo laabto Garoowe.
Leave a Reply