
Iska Horimaad ayaa maanta ka dhacay magaalada Beledweyne, gaar ahaan aaga xerada Lama Galaay oo ah halka ay ku sugan yihiin madaxda HirShabelle.
Warar ayaa sheegaya in dagaal kooban uu dhex-maray ciidanka ilaalada madaxtooyada iyo kuwa kale oo taabacsan mid ka mid ah musharaxiinta ku sugan halkaasi.
Inta la Ogyahay Hal askari ayaa ku dhintay Iska hor imaadka labada dhinac, halka labo kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.
Xaaladda ayaa deggan, waxaana shaqaaqadaasi ku baxay saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ee dowlad goboleedka HirShabelle.
Leave a Reply