
Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa Maanta diiwaangeliyay musharrixiinta lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, kuwaas oo doorashadooda Maalinta beito ah ka dhaceyso Magaalada Baydhabo.
Musharixiinta la diiwaan geliyay ayaa kala ah:
1: Cabdisalaan Cali Cabdi iyo Cabdi Maxamuud Maxamed oo u tartamaya Kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#167, waxaana kursigaan hadda ku fadhiya Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen (Badni)
2: Axmed Madoobe Nuunow Maxamed oo uu dhalay Xildhibaan hore Madoobe Nuunow Maxamed & Cabdinaasir Ibraahim Aadan, kuwaas oo u tartamaya kursiga Hop#099, waxaana kursigaan horay ugu fadhisay Deeqo Xuseen Xasan.
3: Maxamed Sheekh Cabdulaahi (Ciirow) oo ah Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed & Cabdinaasir Cali Xasan ,kuwaas oo u tartamaya kursiga Hop#077, kaas oo uu hadda ku fadhiyo Isgoowe deeroow Isaaq.
4: Luul Ibraahim Cumar, Nasteexo Axmed Nuur, Cabduqaadir Cumar Macalin & Cabduqaadir Aadan Cali ayaa loo diiwaangeliyay inay u tartamaan kursiga Hop#168 oo uu ku fadhiyo Xasan Macalin Xuseen oo meesha laga saaray.
Leave a Reply