
khilaafka ka taagan muddeynta doorashada Somaliland, kaasoo u dhexeeya Madaxweyne Muuse Biixi iyo hogaamiyayaasha labada xisbi ee mucaaradka ah.
Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlayay munaasabad uu ciidanka Somaliland kala qeybgalayay ayaa sheegay in doorashada lagu kala reebayo ururada xisbiyada siyaasadda ay ka soo hormari doonto tan madaxtinnimada.
“Sanadkan waxaa inagu soo beegan saddex doorasho….. Waxaa ugu horreysa tii xisbiyada. Waa in xisbiyada hadda jiraa ay tartamaaan.
13-ka November waa inay dhacdaa doorashada madaxtinnimada. Waxaa xigi doonto tan guurtida oo waxa ay noqon doontaa in la soo xulo oo aan doorasho badan gelin,” ayuu yiri Muuse Biixi.
Waxaa hadalkaa ka falceliyay musharraxa xilka madaxweynaha ee xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo sheegay in doorashada madaxtooyada ay soo horreyn doonto, iska markaana ay ka qeybgali doonaan saddexda xisbi ee hadda jirta.
Waxaa [doorashada madaxtinnimada] galaya oo sharci ah sadexda xisbi qaran ee hadda jira. Doorashada madaxtooyada Somaliland waa doorashada keliya ee ay u dhan yihiin xeerkii lagu maamuli lahaa, farsamadii iyo miisaaniyaddii lagu hirgelin lahaa,” ayuu yiri Cirro.
Waxa uu tilmaamay in doorashada axsaabta iyo tan golaha guurtidu ay ka dambeynayaan tan madaxtooyada.
“Diiwaangelinta ururada waxaa loo raacayaa Xeer Lr.14-2011, ururada buuxiya shuruudaha ayaa la tartami doona axsaabta kadib doorashada madaxtinnimada,” ayuu hadalkiisa raaciyay Cirro.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in muddeynta doorashooyinka aysan ahayn wax ay go’aan ka gaari karaan dad gaar ah, sida Madaxweynaha ama isaga, balse laga raacayo xeerarka dastuurka ee doorashoooyinka.
Leave a Reply