Maalinta 8 Maarso oo looga dabaaldagayo Soomaaliya iyo dalal kale ee Caalamka

Soomaaliya iyo Wadamada Caalamka ayaa maanta u dabbaaldegay xuska munaasabadda 8-dda Maarso oo ah maalin weyn oo xambaarsan dadaalkii loo soo galay dhismaha ururkaasi iyo kaalintii ay ka qaateen ka qeybgalka arrimaha bulshada ,dhaqaalaha ,siyaasadda iyo guud ahaan  horumarada xoogan ee ka jira dunida.

Kacaankii uu hoggaaminaayey mileteriga dalka oo mabd’a ahaan ku dhisnaa nidaamka hantiwadaagga ,waxa uu haweenka u aqoobsaday udub-dhexaadka bulshada iyo in ay yihiin muraayad  laga daawado horumarka dhaqan dhaqaale ee ay ku tallaabsadeen dunidaan casriga ah.

Sidoo kale Haweenka Soomaaliyeed, ayaa la sheegay  in ay yihiin kuwa ugu badan xoogagga shaqeeya,waxayna 30-kii sano ee u dambeeyay ay u howlgaleen badbaadinta  iyo go’aan ka gaarista qorshaha qoyska ,kan guriga , ilaalinta caafimaadka carruurta, hannaanka dakhli-abuur  iyo horumarinta hab-nololeedka guud.

Inkasta oo ay jiraan caqabado iyo dhibaatooyin u gaar ah haweenka,haddaana,daraasad ama cilmi baars caalami ah oo la sameeyay ayaa muujineysa in fursadaha shaqo ee ay helaan dumarku ay weli yihiin kuwo ka hooseeya fursadaha shaqo ee ay helaan  ragga,

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*