Taliska Booliska Dhuusamareeb oo ka digay Hubka sharci darrada ah in la qaato

Taliyaha Saldhiga Booliska Magaalada Dhuusamareeb Maxamed Mire ayaa sheegay in magaalada Dhuusamareeb aan lagu qaadan Karin hub sharci darro ah, ka dib dil halkaasi loogu geysatay shalay laba Askari oo ka mid ahaa Ciidanka Gogor.

Taliyaha ayaa ku baaqay in ciddii haysata hub sharci darra ah ay iska soo wareejiyaan, qofkii aan ka maarminna uu yimaaddo xafiiska wasaaradda amniga si loo siiyo sharci iyo aqoonsi ay ku haysan karaan.

Dhinaca kale taliyaha Ciidanka Booliiska Dhuusamareeb Maxamed Mire ayaa dhaleeceeyay kooxihii ka dambeeyay Ciidamo shalay la dilay ‘dilkana kuna Eedeeyay burcad ku qaraabata magaca diinta, kuwaas oo uu ku tilmaamay inaysan  waxba ka duwanayn Al-shabaab oo uu ula jeedo kooxaha Ahlusunna eek u Sugan Bohol, wuxuuna bulshada usoo jeediyay in ay ka feejignaadaan.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in wixii ka dambeeya 10 ka bishan ay howlgallo ballaaran ka samayn doonaan magaalada, isagoo intaa ku daray inay uruurin doonaan hubka sharci darrada, si loo fuliyo amarkii kasoo baxay wasaaradda amniga Galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*