
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Golaha Ammaanka ku-boorriyay in aan la dhimin shaqaalaha howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika Soomaaliya ee AMISOM illaa dhammaadka sanadkan, sida uu ku sheegay warqad ay heshay wakaaladda wararka ee AFP .
Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa ka kooban 20,000 oo askari, booliis iyo dad rayid ah, kuwaas oo loo xilsaaray inay taageeraan dowladda Soomaaliya ee dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab.
Hawlgalka AMISOM ayaa ku eg 31-ka Maarso, laakiin Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa in 30-ka bishan March ay u codeeyaan in AMISOM lagu beddelo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).
Dhinaca kale dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka dawlada awood u leyihiin in Amniga dalka ay xaqiijiyaan hadii Ciidanka Amisom uu ka dhamaado mudddada Hawlkooda Soomaaliya
Leave a Reply