Dhageyso: Gudiga doorashooyinka Heer Federaal oo fasaxay Doorashada 3 Kursi oo maanta Baladweyne ka dhahaceysa

Gudiga Hirgalinta Dorashooyinka Heer Federaal oo dib u fasaxay Doorashada 3 kursi oo maanta lagu qabanayo magaalada Baladweyne ee xaruunta Gobolka Hiiraan……….

Kuraasta doorashadooda Maanta la fasaxay ayaa kala ah HOP#010 HOP#030 HOP#066 ee deegaan doorashadoodu ay tahay Magaalada #Baladwayne ee Xauunta Gobolka Hiiraan.

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Axmed Safiino ayaa sheegay in kadib markii la dhameystiray habraacyada Saddexda Kursi la fasaxay in la qabto doorashadooda.

Afhayeenka ayaa sheegay in ay jirtay cabasho laga keenay kuraastaas balse la xaliyay, isla markaana Salaada Duhur kadib kuraastaas doorashadooda lagu qabanayo Beledweyne.

Kuraasta ay Guddiga horay u hakiyeen balse ay dib u fasaxeen ayaa ahaa kuwo maalmihii la soo dhaafay ay dood ka taagneyd, waxaana Saddexda kursi ay kala yihiin.

1: Kursiga HOP#010 oo uu hadda ku fadhiyo Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Axmed Jindi, waxaana kursigaan uu ahaa mid doorashadiisa ay ka dhalatay dood adag kadib markii ay soo baxeen in musharrax gaar ah loo xiray.

2: Kusriga HOP#030 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, waxaana kursigaan dhawaan ciidamo ka gadoodsan lagu arkay meelo kamid ah Magaalada Beledweyne.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*