Dhageyso: Maamulka Gobolka Gedo oo ku baaqay in la bilaabo doorashada kuraasta Garbahaareey

Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku guuleystay qorshihiisii ku ahaa in doorashada iyo holwaheeda la guda galo Gobolka Gedo oo muddooyinkii lasoo dhaafay buuq ka taagnaa.

Gudoomiyaha Maamulka Degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo Xasan Sheekh Cilmi oo Warbaahinta la hadlay maanta ayaa faah faahin ka bixiyey isbadelka dhacay iyo go’aankoodii hore in ay ka laabteen.

Xasan Sheekh Cilmi ayaa R/wasaare Rooble sheegay inay ka sugayaan soo dirida guddiyada SIET Jubbaland iyo midka heer federaal si loo qabto doorashada 16-ka kursi ee lagu qabanayo Garbahaareey.

Wararka ayaa sheegay in maamulka Degmada Garbahaareey ay udhiibteen ushooda R/wasaaraha islamarkaana ay sheegeen in guddiyada doorashada ay soo dhaweyn ballaarna usameyn doonaan,isagoo Gudoomiye Xasan Sheekh Cilmi sidoo kale fariin udiray murashaxiinta xildhibaanimada doonaya inay tegi karaan magaalada Garbahaareey.

Sida la fahansan yahay istaraatiijiyad gaar ah uu Farmaajo ka damacsanaa Gobolka Gedo ayaa hadda umuuqda mid guuldareystay iyadoo R/wasaare Rooble oo kaashanayey odayaasha dhaqanka Gobolkaasi ay geed dheer iyo mid gaaban ukoreen in doorashada

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*