
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Degmada Hiliwaa uga qeyb galay ololaha wacyigalinta ka hortaga isticmaalka Maandooriyaha oo si joogta ah uga socda degmooyinka gobolka Banaadir.
Gudoomiye Cumar Filish ayaa ka hadlay Khatarta balaaran oo uu bulshada iyo xasiloonida Caasimadda ku haayo isticmaalka Maandooriyaha, waxaana uu fariin u diray dadka ku howlan ka ganacsiga waxyaabaha maanka dooriya, xili uu ka hadlaayey goobta ay ka socotay munaasabadda wacyi galinta ah.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda ayaa maalmihii ugu dambaysay waxaa uu degmooyinka gobolka uga qeybgalayey ololaha wacyigelinta maandooriyaha, waxaana dhowr jeer uu ku ciliyey inaan loo dul qaadan doonin dadka iibiya iyo kuwa keena dalka Maandooriyaha nuucyadiisa kala duwan.
Leave a Reply