Dowladda Uganda oo sheegtay in ciidamadeeda ay sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya inkasta oo uu dhamaanayo barnaamijka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Howlgalka AMISOM ayaa soo dhammaaday 21-kii December, balse waxaa lagu heshiiyay in la kordhiyo ilaa 15-ka March 2022-ka.

Afhayeenka ciidamada Uganda Brig Felix Kulayigye, ayaa sheegay in ciidanka Uganda ay kamid ahaanayaan shaqada cusub ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Uganda waxaa ka jooga Soomaaliya in ka badan 6,000 oo askari oo ka tirsan AMISOM, waxayna door muuqda ka qaateen dagaalka Shabaab iyo xoraynta magaaloyin istaraatiiji ah sida Kismaayo iyo magaalooyin kale eek a tirsan gobolada Dalka .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*