Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo ka tacsiyadeeyey Geerida Xildhibaan Maxamuud Muxumed Kuulow

Madaxweynaha Maamulka Axmed Maxamed Islaam madoobe , ayaa guud ahaan Ummada Soomaaliyeed, bulshada Jubaland, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay uga tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamuud Muxumed Kuulow, oo galabta ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumku uu kamid ahaa bulshada dadka waxgalka u ah ee kasoo qeyb qaatay shaqooyin badan oo ay ugu muhiimsan yihiin arimaha bulshada oo door muuqda uu ku lahaa isagoo kamid ahaa dadka sida weyn u garab istaagay Dowladnimada Jubaland wakhtigiisa iyo maalkiisana u huray.

Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in marxuumku dhawaan loo doortay Mid kamid ah kuraasta Baarlamaanka JFS ee dhawaan doorashadoodu ay ka dhacday Jubaland.

Waxaa Madaxweynahu uu si gaar ah tacsi ugu diray eheladii iyo qaraabadii uu marxuumku uu ka baxay isagoo alle uga baryay inuu janadii fardowso ka waraabiyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*