
Maxkamada darajada kowaad ee ciidamada qalabka sida qeybta 27aad ayaa u fariisatey dhagaysiga dacwad loo haysto eedeysane Marshaale Cabdule Xuseen oo magaalada baardheere ku diley marxuumad Ceeblo Qorane Daahir dhaawacna u geystey Siciid Ismaaciil
Sidoo kale Maxakamada Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta dhageysatay Dacwad lagu soo oogay xubno lagu eedeeyay in ay Alshabaab ka tirsan yihinn.
Sidoo kale Maxkmada ayaa la horkeenay rag ku eedaysan in ay ka mid yihiin Al-Shabaab, isalamarkana lagu soo qabtay Falal kala duwan oolidi ku ah Amniga
Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida qaybta 27aad Gaashaanle Maxamed Amiin Cabdule aadan ayaa xukunka ka hadlay.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad ayaa dhowr jeer waxaa ay xukuno kala duwan oo isugu jira dil iyo xarig ku riday askar katirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Gedo.
Leave a Reply