Wasiirka Gaashaandhigga oo laga hor istaagay Kursiga HOP204

Wasiirka  Wasaaradda  Gaashaanshigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa ka mid noqday, Wasiirrada aadka ugu dhow, Ra’iisul Wasaare, Maxamed Xuseen Rooble, Islamarkaana laga hor istaagaya Xubinimadiisa baarlamaanka Soomaaliya .

Wasiirka Gaashaandhigga  Cabdulqaadir, oo ka mid ahaa, musharixiinta HOP204, ayaa hadda u muuqda inuu ka quustay baratanka Baydhabo, kadib markii Madaxweynaha Koofur galbeed, kursiga u xiray Wasiirkiisa Amniga, Isxaaq Cali Subag, oo ka mid ah shaqsiyaasdka uu siyaasadda ku daray.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo loo yaqaan (Jaamac), wuxuu ka mid ahaa shaqsiyaad kooxda Farmajo la shaqeeyay sanadkoodii koobaad, kuwaasoo uu kaga tagay kala aragti duwaanaan iyo isqabqabsi siyaasadeed oo ku dhisan dano gaar ah.

Jaamac, wuxuu ahaa shaqsigii fuliyay weerarkii 17-kii December 2017, lagu qaaday xarunta Xisbiga Wadajir, halkaas, oo lagu xasuuqay ilaaladii hoggaamiyaha Xisbiga, wuxuuna xilligaas ku magacaawnaa, sii-hayaha xilka Agaasimaha hay’adda Nabad-sugidda.

Wasiirka Gaashaandhigga, ayaa loo magacaabay dhawaan, kadib markii laga soo baddelay Wasaaradda Cadaaladda, wuxuuna ka mid yahay Wasiirrada ugu dhow Rooble, ee dhamaadki sanadkii hore, dagaalka la galay Kooxda Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad hoggaamiyaan.

Waxaa sidaan oo kale, dhawaan wayay kursi uu u tartamayay, Wasiir ku xigeynka Warfaafinta, Cabdiraxmaan Al-Cadaala, iyo Cabdicasiis Ashkir, oo la taliye u ah RW Rooble, halka, si guud, Wasiirrada muhiimka ah ee Xukuumaddu ku fashilmeen in ay tartamaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*