
Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug lagu doortay Cabdiracmaan Odawaa iyadoo hadda ay socoto doorashada Laba kursi oo kale.
Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay HOP#069 ee golaha shacabka, isaga oo helay 97 cod oo ah kooramka ergada fadhisay.
Kursiga Hop#069 ayaa waxaa doonayay in uu u tartamo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Alcadaala balse tartanka uu isaga haray.
Maanta ayaa qorshuhu yahay in Magaalada Gaalkacyo lagu doorto ilaa Saddex kursi oo kamid ah Golaha Shacabka, waxaana harsan laba kursi oo kaliya.
Odawaa oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda doorashada ayaa sheegay in mataladiisa ay tahay mid marag leh islamarkaana uu matali doono dhamaan umadda Soomaaliyeed isagoo xusay in aysan waxba iska badalin fikirkiisa
Leave a Reply