Dhageyso: Gudoomiyaha Xisbiga SAMO oo ku baaqay in laga Faa’ideeysto Bisha Ramadaan

Gudoomiyaha Xisbiga Sinaanta Amaanka  iyo Midnimo u ololeynta ee loo soio gaabiyo (SAMO) Aweys Sheekh Xuseen Huneero  oo ka hadlayayay fadliga Bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan in ay ka Faa’iide’stan bisha Rmadaan oo maalmo kooban ay naga xigaan.

Gudoomiye Aweys Sheekh Xuseen Huneero ayaa ugu baaqay Ganacsatada Soomaaliyeed in ay hoos u dhigaan qiimaha maciishada quutul daruuriga ah oo sarae u kac xooggan uu ku yimid.

Gudoomiyaha Xisbiga (SAMO) ayaa sidoo kale Ugu baaqay Dadka Alle uu wax siiyay in ay sadaqada baxsadaan oo ay Afuriyaan Dadka Sooman ee ay aan heysan wax ay ku Afuraan.

Halkaan ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Xisbiga SAMO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*